Wednesday, April 17, 2013

“SINABA KUU DAYRIN MAAYO”


Cutubka saddex iyo tobnaad ee kitaabka Cibraaniyada iyo aayaddiisa shanaad, waxaa Badbaadiyaheenu inagu yidhi, “Sinaba kuu dayrin maayo.” Qoraha kitaabka Cibraaniyada ayaa labada cutub ee kan ka horreeya inoo sheegay kuwii rumaysiga ku noolaa, iyo kuwo badan oo rumaysigooda u dhintay. Waxaa innaga la inoo sheegay siyaalo aad u xun xun oo iyaga loo diley, oo qaar baa dhagax lagu diley rumaysigooda ay Masiixa ku qabeen daraadiis. Waxaa la inoo sheegay inay qaar “la kala gooyey” ama jidhkoodii la jarjaray. Sheekooyinka kuwa Masiixa daraadiis u dhintay tiro ma leh. Oo wakhtigeenan casriga ahna qisooyin kuwan oo kale ah ayaynu haysanaa.


 Kuwo xagjir Muslimiin ah ayaa gobollada koonfureed ee Soomaaliya qoorta kaga gooyey nin 25 jir ahaa oo Farxaan Xaaji Muuse la odhan jirey. Muuse waa laga shakiyey markii uu ku soo noqday magaalada Baraawe, taas oo ku taalla Gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya. Markii uu isagu Ciise ku aqbalay qalbigiisa, “Jidkiisii ayaa laba qaybood loo kala gooyey, oo dabadeedna la qaaday, oo lagu tuuray xeebta magaallada Baraawe,” warkan waxaa soo gudbiyey ilo Masiixi ah oo dilitaankan goobjoog ka ahaa oo arkayey, kuwan oo u sheegay Morning Star News, tan oo ah jariirad ka soo baxda Nayroobi.

 

Waxaa la inoo sheegay shakhsiyaad Baybalka ku qoran sida Rasuul Yacquub oo ku qoran Falimaha Rasuullada 12, kan oo madaxa looga gooyey jacaylkiisii uu Masiixa u qabey daraadiis. Shahiidnimadu waxay qayb Baybalka uga tahay isla sida ay iskutallaabta Masiixu qayb uga tahay. Dhiigga rumaystayaasha(Masiixiyiinta) ayaa waxaa qarniyaal badan daadinayey kuwa diimaha kale haysta. Muxuu Ilaahay ugu oggolaanayaa inay dhibta intaas le’egi soo gaadho nololaha kuwa Isaga Wiilkiisa Ciise rumaysan? Laga yaabee inay tan sababteedu tahay in dhimashadooda daraadeed ay indhaha ka aan rumaysnayn u furmaan jacaylka Ilaahay. Falimaha Rasuullada 7:58,  wuxuu ahaa Sawloskii reer Tarshiis ee falaagada ahaa kii markhaatiga ka ahaa dhaxgintii lagu diley Istefanos. Ilaahay ayaa dhacdadan u isticmaalay inuu qalbigii Sawlos u qaabeeyo si uu isagu mar dambe u badbaado, oo u noqdo Rasuul Bawlos-kii caanka ahaa ee weynaa. Ilaahay ayaa silcinta kuwa badbaadey u isticmaala inuu gaadho qalbiyada adadag.

 

 Wuxuu Masiixiga la silciyey Ilaahay u sheegayaa in inta uu silcinta ku jiro oo dhan uusan Ilaahay isaga marna ka tegeyn oo dayrinayn. Ilaahay mar kasta wuu la jirey Istefanos markii ay dhagxaantu madaxiisa burburinayeen oo uu neeftiisii ugu dambeysey neefsanayey ama sii deynayey. Xataa Falimaha Rasuullada 7:55 ayaa inoo sheegaysa in isaga ruuxiisii Samada loo qaaday ama laga soo dhoweeyey, oo Ciise ayaa sara-joogsadey si uu midiidinkan rumaysiga leh ugu soo dhoweeyo gurigiisa. Ciise ma og yahay marka ay dhibaato ina soo gaadho oo geeriyi ina soo gaadho? Isagu ma joogaa marka aynu dhimashada indhaha isugu qabano oo ay neefta ugu dambaysaa inaga baxdo? HAA! Isagu Istefanos wuu la joogay! Isagu wuu la joogey Rasuul Yacquub! Isagu wuu la joogey Farxaan kii Soomaaliya! Oo innaga dhan ayuu inagu yidhi, “SINABA KUU DAYRIN MAAYO”. “Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiinta ayaa qiimo weyn ku leh” (Sabuurradii 116:15)

 

 

No comments:

Post a Comment